Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Benzema la xiriiriyay Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Maxkamad lala tiigsanayo

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Faransiiska Gerald Darmanin , ayaa xiddiga xulka Qaranka Faransiiska haddana ka ciyaara horyaalka Sacuudiga Karem Benzema ku eedeyay in uu taageero ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Karem Benzema ayaana si kulul uga fal-celiyay eedeynta uga timid wasiirka, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid aan waxbo ka jirin, waxa uuna sheegay in warkaasi qiil loogu sameenayo xad-gudubka Yahuuda ku heyso Falastiin.

Qoraal uu soo dhigay Benzema barta X ayuu ku sheegay in xiddigaha kubadda cagta oo dhan ay taageersan yihiin dadka Qasa degan, oo uu ku sheegay inay markale dhibane u yihiin duqeynta aan kala soocaynin haween iyo carruur.

Dhinaca kale Qareenka ciyaaryahan Benzema ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay ciyaaryahanka aad ula yaabeen, waxa uuna xusay in Benzema wax yar oo xiriir ah xitaa kala dhaxeyn kooxda lagu eedeeyay.

Qareenka ayaa sheegay  in uu maxkamad la tagayo wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, si loogu oogo dacwad la xiriirta been-faafin iyo gef uu u geystay xiddiga horey ugu ciyaari jiray kooxda Real Madrid iyo xulka Qaranka France.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo been abuur ku tilmaamay qorshe ay sheegeen Mucaaradka in uu damacsan yahay

Cabdi Cade

Nasrullah oo ka hadlay duqeyntii ay ka geysteen Israel

Caydiid Ali

War cusub oo kasoo kordhay Internetka ka maqan Muqdisho iyo magaalooyin kale

Cabdi Cade