Raisul Wasaare Xamse Barre & wafdi uu horkacayo oo dalka ka ambabaxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dalka ka ambaxay, asagoo ku sii jeeda dalka Tanzania oo uu uga qaybgalayo shir madaxeed muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa ka qaybgalaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika oo ka dhacaya magaalada Daarusalaam inta u dhexeysa 24-26 July 2023.

Shirkan oo looga hadlayo ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah u leh Xukuumadda Dan Qaran ee ku aadden horumarinta bulshada, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -