Allbanaadir.com
NEWS

Qiimeyn lagu sameeyey degaano laga saaray Al-shabaab oo la soo bandhigay (Sawirro)

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay Kulan farsamo oo saabsanaa Amniga, Caddaaladda  iyo Dowlad wanaagga, kaasoo ku salaysan qiimayn ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib U Heshiisiinta iyo Federaalayntu ka samaysay deegaannada  laga xoreeyay al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran dhinac wado hawlgallada dalka looga xoraynayo Al-shabaab barnaamijka dib u dejinta dadkii ka baro kacay dagaalada iyo hirgalinta adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa, isla markaana ay horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta oo hada soo diyaarisay qiimayn lagu ogaan karo waxa hirgalay iyo inta dhiman.

Mudane Saalax ayaa xusay in hada dowladu qaybo ka mid ah adeegyadii bulshada gaarsiiyey deeganadii la xoreeyey, iyadoo qorshu yahay in deegaan kasta oo la xoreeyo loo dhamaystiro adeegyada muhiimka ah, isla markaana dadka deegaannka wacyi galin loo sameeyo.

Wasaaradaha Caddaalada iyo Amniga Gudaha, ayaa dhankooda soo bandhigay qorshaha ku aaddan dib u dejinta deegaannada la xoreeyey, gaar ahaan hannaankii looga hirgalin lahaa adeegyadii bulshada sida xarumihii Garsoorka iyo Saldhigyadii Booliska, si loo sugo Amniga iyo kala danbaynta.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA

Related posts

DF oo bilowday qorshe cusub oo lagu curyaaminayo dhaqaalaha soo gala Al-shabaab

Caydiid Ali

Hal xabo oo Kalluun ah ma ka bixin laheyd in ka badan Saddex milyan oo dollar? (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo ka hadlay qaraxii lagu le’day ee ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---