Human Rights Watch oo ah Hay’ad caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay, in isticmaalka kiimikada phosphorus ee meelaha ay dadku ku badan yihiin ay xad gudub ku tahay waajibaadka sharciga ah si looga fogaado waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.
Waxay warbixinteda ku eedeysay ciidanka Israa’iil adeegsiga hubkan howlgaladooda Qasa iyo Lubnaan.
“Kiimikadan waxay abuurtaa kulayl aad u daran oo gaaraya 815-degree Celsius, waxayna soo saartaa iftiin iyo Qiiq cad oo qara weyn kaas oo loo isticmaalo ujeedooyinka militariga,si loogu dhunto howlgalada gaarka ah” ayaa lagu yiri war ay soo saartay heyadda.
Mar wax laga waydiiyay eedaymaha loo soo jeediyay, milatariga Israa’iil waxa ay sheegeen, in aanay hadda ka warqabin adeegsiga hubkaas ee Gaza.
Hubkan halista ah waa walxo kiimiko ah, oo ku jira madaafiicda, bambooyinka iyo gantaallada, kuwaas oo holca marka ay la falgalaan Ogsajiinta ku jirta hawada waxayna sababtaa dhaawacyo halis leh iyo kuwo waqti dheer ahaan kara kuwa aan laga bogsan