Allbanaadir.com
NEWS

Sweden oo markii u horeysay Maxkamad soo taagtay nin loo heysto inuu gubay Quraanka

Sweden ayaa maxkamad soo taagtay nin toddoba iyo labaatan jir ah oo gubay kitaabka Qur’aanka, kaasoo lagu helay danbi ah inuu kicinayey fal isir nacayb ah.

Ninkan ayaa ku dooday in ujeeddadiisa ahayd inuu diinta Islaamka ku dhaleeceeyo, balse maxkamadda ayaa arrintaas ku gacan seyrtay, waxayna sheegtay in loo arki karo oo keliya inay beegsanayaan muslimiinta.

Muuqalka gubitaanka uu ninkaasi sameeyay ayaa waxa uu lahaa codad toos ah oo ku baaqaya in la nadiifiyo Islaamka.

Khubarada sharciga ayaa sheegaya in tani ay ka dhigayso mid aan macquul ahayn kiiska oo loo maleynayo inuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah.

Sweden ayaa mudooyinkan waxaa ku soo badanayey dadka gubaya kitaabka quraanka kariimka, iyagoo fasax ka heysa dowlada wadankaas, iyadoo arrintaas ay caro badan ka abuurtay caalamka Islaamka

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhinaca gaaska iyo saliida la saxiixatay dalka…

Cabdi Cade

Jubbaland oo war kasoo saartay Xil ka qaadistii Fahad Yaasiin iyo Go’aankii Farmaajo

Cabdi Cade

Farmaajo oo shir ku Martiqaaday Madaxda dowlad goboleedyada & G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---