Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Gaas oo kulan gaar ah la qaatay Andreasvon Vexkull (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbeĀ  qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador AndreasVon Vexkull.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaliya, ayaa looga hadlay mashaaricaha ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududayso Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa sida brnaamijyada caafimaadka iyo horumarinta haweenka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wefdiga ku soo dhoweeyay madaxtooyada, ayaa soo dhowaynta kadib uga xog waramay xaalada guud ee Soomaaliya iyo horumarka baaxada leh ee kasocda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Maxay shaqada & waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia?

Caydiid Ali

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaanka Camaara

Caydiid Ali

Farmaajo oo qorshayaal culus ka damacsan dib u dhigista magacaabista R/Wasaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---