Farmaajo oo qorshayaal culus ka damacsan dib u dhigista magacaabista R/Wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wali laga sugayaa in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub oo bedel u noqonaya Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo si lama filaan ah meesha looga saaray.

Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday wadatashiyo ku aadan cida uu usoo magacaabayo xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha wareysi la yeeshay dhoor xubnood oo xilkaasi madaxtooyada la dooneyso midkood.

Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayay in Madaxweynaha dedejiyo si Xukuumada KMG ah ee hada shaqada wada loo helo xukuumad rasmi ah oo shaqada kala wareegta bilooyinka dowlada u harsan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo dhoor qorshe uu rabo in ay hirgalaan owgeed uu dib ugu dhigayo magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Qorshaha koobaad uu rabo Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in ay tahay in uu rabo in Xildhibaanada golaha shacabka mudo kororsi ku dhawaaqaan kahor inta uusan Ra’isul Wasaare cusub soo magacaabin.

Waxaa sidoo kale la sheegay in qorshaha kale uu Madaxweyne Farmaajo wato ay tahay in dib u dhaco shirka lagu balan sanyahay in uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb si kahor go’aano adag usoo baxaan lana fashiliyo heshiiskii Dhuusomareeb lagu gaaray.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo ka shaqeenayo qaab kasta uu ku heli karo mudo kororsi, waxa uuna Madaxweynaha isbaheysi la sameestay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada si ugu gogol xaaraan mudo kororsi.

Siyaasiyiinta mucaarada iyo maamul goboleedyada qaarkood ayaa ka biyo diidan in doorashada dalka dib loo dhigo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo sameesto mudo kororsi aan raali looga aheyn.

Radista Xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali kheyre hogaaminayay ayaa la sheegay in ujeedka ugu weyn Madaxtooyada ka laheyd uu ahaa in lagu fashiliyo shirkii Dhuusomareeb sidoo kale lagu sameeyo mudo kororsi labo sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -