Allbanaadir.com
NEWS

Shir xasaasi ah oo Magaalada Garowe uga furmaya Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland

Shirka siyaasiyiinta mucaraadka ah iyo qaar ka mid ah ururada siyaasadda ee mucaaradka ah ee Puntland ayaa maalinta bari ka furmaaya magaalada Garoowe.

Shirkan oo marki hore qorshuhu ahaa in lagu qabto Hotelka weyn ee Martisoor ayaa la sheegay in maamulka hotelku ka cudur daarteen inaysan shirkaas martigelin karin, sababo la xiriira xaaladda ciidamada ay siyaasiyiinta wataan.

Shirka ayaa hadda lagu qabanaaya Beerta Arlo ee ku taala galbeedka magaalada halkaasoo lagu qabsado xafladaha waaweyn.

Shirka waxaa ka soo qaybgalaya sida xogtu sheegayso Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyano) oo ka tirsan ururka Mideeye, horeyna ahaa musharixii soo gaarey wareega u danbeysa doorashadii 2019 ee la tartamey madaxweyne Deni

sidoo kale waxaa ka qaybgalaya siyaasiga Xassan Shire Abgaal, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyo siyaasiyin kale.

Wararku waxay sheegayaan in shirka ujeedkiisu yahay sidii Puntland ay uga dhici lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, meesha laga saaro muddo kororsi horseedi kara qalalaase.

Related posts

Laftagreen oo Shir deg deg ah la qaatay saraakiil Ammaan oo ay Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo Meel mariyay Sharci Muhiim u ah Dowlada (Daawo Sawirada)

admin

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay taliska Milateriga Mareykanka ee jooga Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---