Allbanaadir.com
NEWS

Ururka Islaamka oo War kulul ka soo saaray dagaalka Falastiin iyo Israaiil

Ururka iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen gardarrada millatariga Israa’iil” xilli uu socdo dagaal u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigiisu yahay Sucuudiga ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xad gudubka iyo khatarta Israel ee sii kordheysa ee dhulka la haysto ee Falastiin.

“Xubnaha 57 ka ah ayaa cambaareeynaya gardarrada militariga Israel ee horseeday burburka boqolaal shahiid ah iyo dhaawac soo gaaray shacabka Falastiin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ururka Islaamka

Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa ku billowday weerar lama filaan ah oo aan horay loo arag oo ay dagaalyahannada Xamaas ku galeen Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen boqolaal qof, maxaabiisna ku qabsadeen.

Israa’iil ayaa ka jawaabtay in ay ciidamadeeda ku soo yaaceen aagga xuduudka, waxayna duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen dhulka go’doomiyey.

In ka badan 300 oo reer Qaza ah iyo 600 oo Yuhuud ah ayaa lagu dilay weeradada ay isdhaafsanayaan dagaalyahanada Xamaas iyo ciidamada Israel.

 

Related posts

Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Donald Trump iyo caruurtiisa

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dabkii caawa qabsaday Warshada Biyaha Zamzam (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo digniin ka soo saartay Musiibo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---