Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Qoorqoor kala hadlay ciidamada ku jira xerada Harqaboobe?

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka duulaya hoggaamintiisa la xiriirta  dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka isla markaana uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa booqday ciidamado ka tirsan kuwa DFS oo kasoo noqday Fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan iney ku biiraan howlgalka ka dhanka argagaxisada ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo ku xareysan xerada Harqaboobe ayuu Madaxweynaha kula dardaarmay in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka al-shabaab siina xoojiyaan guulaha laga gaaray dagaalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxay dalka Eritrea ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu galkii dagaalka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor).

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Related posts

Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Kenya

Caydiid Ali

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay iyo Mooto la sheegay in …

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Slovenia oo iskaashanaya hindisayaasha dib-u-dhiska iyo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---