Allbanaadir.com
NEWS

Tirada geerida Yuhuuda oo dhaaftay 600 iyo Warbixinadii u dambeeyey (Sawirro cusub)

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ugu yaraan 600 oo qof ay ku dhinteen duulaanka lama filaanka ah ee ay kooxda Xamaas kaga soo qaadeen marinka Qaza, iyadoo dhaawacuna gaarayo kumanaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Golihiisa Ammaanka ay ku dhawaaqeen in dalkaas uu galay dagaal ka dib weerar dhimasho badan dhaliyay oo Xamaas ay ka geysatay koonfurta Israa’iil.

Go’aanka, oo lagu dhawaaqay maanta ayaa si rasmi ah u oggolaanaya “qaadista tillaabooyin militari oo muhiim ah,” ayaa lagu yiri bayaan.

“Dagaalka lagu qasbay dawladda Israa’iil ee weerar argagixiso oo dil ah oo ka yimid Marinka Gaza wuxuu bilaabmay 06:00 shalay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ma aysan bixin wax tafaasiil dheeraad ah. Balse Netanyahu ayaa horey ugu dhawaaqay in dalka uu dagaal ka socdo, waxaana militariga uu ballan qaaday in uu jawaab adag ka bixin doono Gaza.

Dhinaca kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, UNRWA, ayaa sheegtay in in ka badan 20,000 oo qof ay gabaad ka dhigteen 44 ka mid ah iskuulada ku xeeran Gaza fiidnimadii Sabtida.

“Tirada (barakacayaasha) ayaa si degdeg ah u kordheysa,” ayuu yiri Inas Hamdan, ku-simaha sarkaalka warfaafinta dadweynaha ee Gaza.

Wakaaladdu waxay sheegtay in saddex ka mid ah dugsiyadeeda ay “waxyeelo ka soo gaareen duqaymaha cirka ee Israa’iil. Wakaaladdu waxay kaloo sheegtay in hawlihii ay ka waday sagaal ceel biyood oo ku yaalla Marinka Gaza la joojiyay horraantii Sabtida..

Iskuul ay leedahay UNRWA oo ku yaal xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyi-galbeed ee bartamaha magaalada Gaza, dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay weerar habeenimo ah oo Israa’iil ay ku garaacday barxadda iskuulka taasoo keentay argagax iyo dhaawacyo fudud oo soo gaaray dadkii halkaas gabaad ka dhiganayay.

Magaalada Rafah ee ku taal koonfurta Qaza, dadka deegaanka ayaa maqlay qarax xooggan, oo sida muuqata ka dhashay duqeyn cirka ah oo Israel ay ku garaacday bartilmaameed u dhow xudduudaha Masar. Ilaa hadda ma cadda waxa la beegsaday. Dadka deegaanka ayaa sheegay in guri ku yaala deegaanka laga saaray.

Israa’iil ayaa tobanaan duqaymo ah ka fulisay magaalada Rafah habeenimadii xalay. Mid ka mid ah weerarradan ayaa ku dhacay saddex guri oo ku yaalla mid ka mid ah xeryaha qaxoontiga ee aadka u camiran ee Shaboura, waxaana ku dhintay 19 qof oo isku qoys ahaa, sida uu sheegay xubin qoyska ka mid ah oo magacyadooda soo dhigay baraha bulshada.

Xubnaha qoyska iyo dadka deriska la ah ee badbaaday ayaa buux dhaafiyay masjidka al-Faaruuq, iyaga oo ku tukanayay salaadda janaasada iyadoo meydka dadkii la dilay ay ku duubnaayeen maro cadcad oo dhulka yaallay. Dadkan ayaa intaa ka dib waxa ay u dhaqaaqeen qabuuraha u dhowaa si ay halkaasi ugu aasaan, iyadoo qaarkood ay siteen meydadka.

Related posts

Soomaaliya oo dalbatay in wax laga bedelo qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo caawa Goobjoog ka noqday Doorasho ka dhacday degmada Eyl (Sawirro)

Cabdi Cade

Xeer Illaaliyihii Mareykanka oo Is casilaya iyo Sababaha soo dedejiyay oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---