Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay iyo Mooto la sheegay in …

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo caawa lagu weeraray maqaayada Luul Yamani oo kutaala agagaarka Dekadda magaalada Muqdisho , waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in 10-qof ku dhinteen qaraxa sidoo kale ku dhaawacmeen dad gaaraya 30-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa loo adeegsaday mooto nuuca alaabaha lagu qaado taa uu tilmaamay in lagu soo raray waxyaabaha qarxa, waxaana mootadaasi waday ruux isa soo miidaamiyay.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in ay ka badan yihiin 20-qof, waxaana saraakiisha caafimaadka la tacaalayaan dadka ku dhaawacmay qaraxa qaarkood oo halis ah.

Makhaayada Luul Yamani ayaa labo mar oo hore lagu qaaday qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana dad badan isweediinayaan sababta loo bartilmaameedsanayo makhaayadan oo kutaala goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo kuna dhegan dekadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -