Madaxweyne Laftagareen oo amray in la bilaabo Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al Shabaab.

Shirka oo ay ka qeybgaleen taliyaha ciidanka asluubta, taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka, guddoomiyaasha maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo dagaalka deegaannada Koonfur Galbeed looga saarayo Al Shabaab ee dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku xooggan dagaalyahnnada Al Shabaab, mana jiro ilaa hadda howlgalo rasmi ah oo ka bilowday maamulkaasi oo lagula dagaallamayo kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -