Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Related posts

Xassan Shiikh oo qaabilay Orodyahan Guul taariikhi ah u soo hoyay Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Amiirka Qatar oo gacanta isku galiyay Madaxweyne Erdogan, Al Sisi iyo Madax kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo si lama filaan ah u amaanay dowlada Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---