Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Doonyo iyo Hub sharci daro ah (Daawo Sawirada)

Ciidamada Badda maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha ku teedsan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxa ay kusoo qabteen Doonyo iyo hub si sharci daro ah loo adeegsan jiray.

Doonyaha ay ciidamada Badda Puntland soo qabteen oo gaarayay ilaa 8-doon ayaa la sheegay in loo adeegsan jiray tahriibka sharci darada ah, waxaana lagu qaadi jiray dadka u tahriibaya dalka Yaman.

Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay in ciidamada gacanta kusoo dhigeen Doonyo loo adeegsan jiray tahriibta iyo sidoo kale hub sharci daro ah ay adeegsan jireen kooxaha wax tahriibiya.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Puntland in howlgalkan lagu soo qabtay doonyaha iyo hubka uu qaatay saacado badan, waxa uuna xusay in howlgalkan uu ahaa mid looga hortagayo tahriibka sharci darada ah.

Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka gacanta ku hayaan dadkii watay doonyahan iyo hubka sharci darada ah, waxa uuna cadeeyay in dadkan la horgeyn doono cadaalada.

Magaalada Boosaaso ayaa ah halka ay inta badan ka baxaan doonyaha ay raacaan dadka u tahriibaya dalka Yaman oo u badan dad Itoobiyaan ah, doonyahan ayaana mararka qaar dadka ay wadaan ku daadiya badda halka mararka qaarna ay qalibmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -