Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada dowlada oo laga qabsaday degaan ku dhow Baydhabo & Xiisad ka taagan

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay iney qabsadeen tuulada Goofguduud Buurey oo 30km magaalada Baydhabo kaga began dhinaca degmada Waajid.

Sida warku sheegayo ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ee habeenimo la wareegay gacan ku heynta degaankaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Hase ahaatee Barqadii saaka ayaa la sheegay iney dib uga baxeen Al-Shabaab degaankaasi ka dib saacaddo badan oo ay ku sugnaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa dib ugu laabtay degaankaasi wax yar ka dib markii ay halkaas isaga baxeen Al-shabaab, waxaana sidoo kale gaaray degaankaas ciidamo xoojin ah oo ka baxay Baydhabo kuwaasoo wada howlgalo ay ku baadi goobayaan shabaabkii soo weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Hooyo Umul ah & ilmaheedii oo ku dhintay duqeyn Ruushku u geystay Isbitaal

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka carooday Khariidad DFS soo saartay kana digay Dagaal

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada Wufuuda Soomaaliya iyo Somaliland uga qeyb galaya Shirka Jabuuti

Caydiid Ali
Taboola Ads ---