Taliyaha Heyadda NISA oo ka hadlay geeridii ku timid Jen. Max’ed Warsame Darwiish

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, marxuum Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo maanta ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Mahad Salaad ayaa xusay doorkii muhiimka ahaa ee uu Janaraal Darwiish kasoo qaatay dib u hawlgalinta hay’adda Nabad Sugidda, Waxa uuna Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.

Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka xiligaasoo ay dalka ka talineysay dowladii Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf.

Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo xiligan ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo xaalado caafimaad loo geeyey.

 

 

- Advertisement -