Axmed Madoobe iyo Ciidamo uu wato oo gaaray Degmada Afmadow (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay wehliyaan saraakiil iyo ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa galabta gaaray degamada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose.

Axmed Madoobe ayaa degmada Afmadow u tagay abaabulka iyo dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe , waxa uuna Madaxweynaha kulamo la qaadan doonaa saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Afmadow ee isku diyaarinaya duulaanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in hadafka socdaalkiisu uu yahay xoraynta Caasimada Jubbaland ee Bu’aale , waxa uuna ugu shacabka  in ay ka qayb qaatan howlgalka bilaabanya ayna garab istaagan Ciidamada u taagan xoraynta Jubbaland.

Degmada Afmadow waxaa dhawaan la geeyay ciidamo badan oo katirsan maamulka Jubbaland, ciidankan ayaana loogu tala galay in duulaan ku qaadaan deegaano iyo degmooyin katirsan Jubada Dhaxe ay maamulaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -