Falastiini Hubeesan oo toogasho Yahuud badan lagu dilay ku qaaday Goob Macbad ah (Sawirro)

Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday macbad ay leeyihiin dadka yahuuda ah oo ku yaalla duleedka magaalada Quddus ee dhulka xoogga Israa’iil ku heesato.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in ninka hubeesan tagay macbadka uuna ku furay rasaas xooggan, ciidamada oo goobta si degdeg ah u gaaray ayaa toogasho ku dilay ninka Falastiiniga ah ee weerarka geestay.

Weerarkan ninka hubeesan ku qaaday macbadka kuyaalla Qudus ayaa sababay geerida toddobo qof oo yahuud ah iyo dhaawaca saddex qof oo kale, waxaana goobta weerarku ka dhacay ka bilowday kala carar.

Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan uu yimid abaare 8.15 p.m. uu rasaas ku furay kuna dhufatay tiro dad ah ka hor intii aanu boolisku dilin. Muuqaallada TV-ga ayaa muujinaya dhibbanayaal dhowr ah oo daadsan goobta weerarku ka dhacay.

Toogashadan dhacday ayaa kordhisay cabsida laga qabo in ay rabshado ka dhacaan dhulka Falastiin ee xoogga ku heestaan Israa’iil , maalin kaddib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil ay ka geysatay Daanta Galbeed muddo sannado ah.

Weerarka oo ay booliisku ku tilmaameen ‘dhacdo argagixiso’, ayaa hoosta ka xarriiqay cabsida laga qabo inay sare u kacdo rabshadaha u dhaxeeya xoogaga xuriyad doonka Falastiin iyo ciidamada Israa’iil kaddib bilo iska horimaadyo ka socday Daanta Galbeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -