Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo maanta ka dhacay Hiiraan iyo Jubbooyinka

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolada Hiiraan iyo Jubooyinka ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta dagaal kula wareegay degaano ka tirsan goboladaas oo ay horey u joogeen Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta oo saaka waaberigii qaaday weerar ayaa la wareegay degaano ku yaalla duleedka Magaalada B/weyne oo ay ka mid yihiin Beer-xaano iyo Nuur fanax, iyagoo haatan ku sii siqaya degaanka Booco oo ay ku taallo Maxkamada ugu weyn Al-Shabaab ee gobolada dhexe.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ay u suura gashay inay gudaha u galaan Tuulooyin u dhow degaanka Booco ayna laayeen xoogag taabacsan Al-shabaab oo dagaal kala hor yimid.

Dagaalka maanta oo si weyn looga dareemay magaalada B/Weyne ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaaladan oo ah kuwii ugu xumaa ee mudooyinkan ka dhaca gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose kula wareegay degaano hoostaga degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Hawlgaladan ayaa la sheegay in ay bilawdeen saaka aroortii hore kadib marii ciidamadu weerar qorsheysan ku qaadeen degaano ku teedsan degmada Jamaame.

Degaanada ay ciidamadu la wareegen waxaa ka mid ah Bangiini, Maana muufo iyo Koban oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee jubooyinka ayaa sheegay in xoogaga alshabaab ay hadda badankood ka baxeen degmada Jamaame ayna saacadaha soo socda la wareegayaan degmadaas ciidamada dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -