DEG DEG: Dagaal culus oo mar kale caawa saqdii dhexe dib uga qarxay Garoowe

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo garay dagaal culus ayaa mar kale caawa saqdii dhexe dib uga qarxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Daryanka madaafiic iyo hub kale oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa magaalada, iyadoo shacabka magaalada ay muujinayaan cabsi iyo argagax.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu socdo dhinaca koonfureed ee magaalada Garowe, kaddib markii ay magaalada dib u soo galeen ciidamada mucaaradka, kuwaasoo mar kale isku fidiyay waddooyin iyo xaafado halkaas ku yaalla.

Dagaalka caawa dib u qarxay ayaa yimid saacado kadib markii Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Garaase oo ka tirsan isimada gobolka Nugaal ay sheegeen in dhinacyada dagaalamay ay ka aqbaleen inay xabbada joojiyaan oo ay kala qaadaan ciidamada.

“Labaada dhinac waa naga aqbaleen wadahadal, Ciidamadana xarumahoodii baan ku celinay, Sidaaseyna xabad joojintii aan galney u hirgashey” ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed oo la hadlay warbaahinta.

Ku dhowaad 30 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -