Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan DF oo lagu laayey weerar ka dhacay Galgaduud

Waxaa soo baxaya faahfaahino  ku saabsan weerar gaadmo ah oo galabta lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda  Soomaaliya xilli ay kusii jeedeen degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo ka tirsan xoogga dalka ayaa ka baxay Xerada tababarka Xoosh ee degmada Guriceel, maleeshiyaad hubeysan ayaa dhexda u galay, xilli ay marayeen deeganka Cagfaroge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay 4 Askari oo qaarkood saraakiil yihiin halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo  maleeshiyaadkii weerarkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen.

Saraakiisha & Ciidamada ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya ayey wararka qaarkood sheegayaan in loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil oo waayadii dambe ka jiray degaannada Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxda Galmudug Saraakiisha Millateriga Soomaaliya weli kama hadlin weerarkaas, waxaana ciidamadii ku dhintay la geeyay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud sida wararku ay nagu soo gaarayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -