Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) Digniino culus oo laga bixiyey halis bilaha soo socda ku soo wajahan Soomaaliya

Soomaaliya oo ku soo wajahan duufaanta El-Niño oo wadata Roobab Sababaya Fatahaad iyo Daadad bilaha October iyo November.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu baaqay inay Fatahaadaha iyo Daadadkan ka feejignadan.

Agaasimaha Waaxda Qataraha Masiibooyinka iyo  Xarunta ka Digista halis-wadareedka ee hay’adda maareynta Musiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey Cabsi xoogan oo laga muujinayo fatahaado iyo daadad laga yaabo inay ka dhashaan roob ka badan cadadkii la filayey ee xilli Roobadka dayrta, taasoo keeyntay isbadalka cimilada ee El-Niño

Duufaantani El-nino waxaay sabab u noqon kartaa in Roobab xoog badan oo halis ah in ay da’aan iyo in Dhulka uu kala dildilaaco.

Magaalooyinka Somalia ee laga yaabo in ay Duufaantani ku dhufato waxaa kamid ah; Kismaayo, Boosaaso, Berbera, İyo magaalooyinka kale ee xeebaha ku agyaala, Waxaase lagayabaa duufaantani haddii ay roob noqoto in ay buuxsamaan labada webi ee Shabeelle iyo Jubba kadibne Fatahaad webi ah in ay magaalooyin badan la kulmaan.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalooyinka ku yaalla xeebaha dalka, hareeraha labada webi iyo dhulka buuraleyda u dhow iney feejignaadaan, lana socdaan warbaahinta.

HOOS KA DAAWO DIGNIINTA HEYADDA SODMA

Related posts

Ciidamada Amaanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Xaafado katirsa Muqdisho

Cabdi Cade

Dr.Dufle oo bulshada uga digay qatarta Caafimaad ee cudurka Cagaarshowga (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo ku laabtay Baydhabo Shirna Guddoomiyay (Sawirro)

Cabdi Cade