Ciidanka ATMIS & kuwa xoogga dalka oo howlgal ka bilaabay aag cusub (Sawirro)

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa Nabad Suggida Somalia, ayaa si wada jir ah u kordhiyay roondooyinka ay ka sameynayaan Degmada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Taliyaha kooxda 38-aad ee ciidamada ATMIS ee ciidamada Uganda (UPDF) ee fadhigoodu yahay magaalada Baraawe, Col. Christopher Berochan, ayaa sheegay in roondooyinka wadajirka ah ay bixin doonaan jawaabo firfircoon iyo falcelin isugu jira oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan sii laba jibaarnay howlgallada aan si wadajir ah u fulinayno ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo khataraha Al-Shabaab ee Baraawe iyo nawaaxigeeda,” ayuu yiri Col. Berochan.

Wuxuu u xaqiijiyay dadka deegaanka ee ciidamada Midowga Afrika inay sii wadayaan taageerada, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in kooxda dagaalku ay sii wadi doonto inay si wadajir ah ula shaqeeyaan SSF.

Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno dhammaan dadka ku dhaqan degmada in ATMIS ay si wada jir ah ula shaqeyneyso ciidanka amniga Somalia habeen iyo maalin si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga degmada” ayuu yiri Col. Berochan.

Muhiimadda roondooyinkan ayaa ah sidii loo fashilin lahaa weerarada Al-Shabaab, waxaana naga go’an inaan sii wadno waqtiga oo aysan ka dhicin Baraawe,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada oo sidoo kale ka qayb-qaatay roondada wadajirka ah.

Degmada Baraawe oo 210km koonfur galbeed ka xigta Muqdisho ayaa nabad ahayd tan iyo sanadkii 2014-kii markaasoo laga saaray Al-Shabaab.

ATMIS iyo SSF ayaa mudooyinkii dambe kordhiyey roondooyinka kadib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo Al-Shabaab ay ka wadaan gobolka Sh/hoose.

- Advertisement -