Madaxweyne Laftagareen oo ku laabtay Baydhabo Shirna Guddoomiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda . Wasaaraddaha Qorshaynta,Amniga,Arimaha Gudaha iyo Gargaarka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Gollaha warbixin ka siiyey Safarkii shaqo ee ugu maqnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida isagoona sheegay in isaga iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar ay ka wada hadleen is kaashiga Arimaha Amniga,Waxbarasha iyo Ganacsiga

Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Qorshaynta,Arimaha gudaha iyo Gargaarka ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaradaha ka socdo iyo dadaalka ay ugu jiraan Hormarinta iyo wax uqabashada Bulshada ku nool guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gollaha Wasiiradda uga Mahadceliyey Dadaalka ugu jiraan uadeegida Bulshada adeegi lahayeen Shacabka Waxaana uu Gollaha Wasiiradda ku bogaadiyey inay xooga saaran ugurmashada Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen,Xoojinta kawada shaqaynta Xaqiijinta Amniga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -