Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ka mahad-celisay taageerada joogtada ah ee ka hesho Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta shir muhiim ah oo ku qabsoomay aaladda foggaan araga waxa uu la yeeshay Mr. Eric Mayer oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xogahaya Waaxda Maaliyaadda Mareykanka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrik

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshayaasha horumarinta kadib marka lagaaro barta kama dambeysta ah ee Deyn Cafinta Soomaaliya iyo taageerada Dowladda oo ay ugu horreyso maalgalinta iyo mashaariicda lagu caawiyo dadka dan yarta ah ee Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo faah-faahin kooban ka bixiyay kadib shrka, ayaa sheegay in uu uga mahadceliyay taageerada joogta ah ee Dowladda Mareykanka oo dhinacyo badan leh, uguna horreyso taageerada dhammaan heerarka laga soo maray barnaamijka deyn cafinta, iyo maalgalinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda.

Dowladda Mareykanka waxa ay ka mid tahay Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageero dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Dowlad wanaagga iyo dib -u – dhiska Hey’addaha muhiimka ah ee Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Muqdisho lagu kufsaday Kadibna Dabaqa Hotel laga soo tuuray !!(Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Shirweynaha Dhaqaalaha Islaamiga ah ee Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo hoygiisa kala baxay Nabadoon caan ka ah Sh/dhexe, ka dibna dilay

Caydiid Ali