Hogaamiyaha Iran oo Twitterka dhigay Sawir Hadal heyn badan abuuray oo ka dhan ah Trump

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ciwaanka uu ku leeyahay barta Twitterka soo dhigay sawir uu si dadban ugu baaqayo in la dilo Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Ciwaanka Twitterka uu leeyahay Ayatollah ayaa lasoo dhigay  wax u muuqda codsi lagu doonayo in la weeraro Donald Trump, si looga aarguto dilkii sanadkii lasoo dhaafay loo geystay taliye sare oo katirsanaa Kacaanka Iran.

Hogaamiyaha Iran ayaa Twitterka dhigay sawir farshaxan ah oo lagu muujiyay nin loo ekeysiiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ku ciyaaraya golf meel uu hayo hooska diyaarad dagaal oo weyn, taasoo ah nooca uusan duuliyaha saarneyn.

Sawirkan uu soo dhigay Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iran ayaa lagu hoos qoray aargoosigu waa hubaal inuu dhaco, waxaana fariintaasi dad badan u qaateen mid lagu baaqayo in la dilo Madaxweynaha xilka ka degay ee Donlad Trump.

Waxa uuna hadal heyn badan uu sawirkan ka abuuray barta Twitterka, dad badan ayaana ugu baaqayay shirkada Twitterka in ay xirto ciwaanka Hogaamiyaha Iran maadaama uu dil ku baaqay, waxa ayna dadkaasi xuseen in Trump isagaba laga xiray ciwaankiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -