Allbanaadir.com
NEWS

Carruur gaari kala soo baxsaday hooyadood oo la qabtay iyo Sababta ku kaliftay oo la ogaaday

Booliiska gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay wiil toban sanno jir ah iyo walaashiis oo 11-sanno jir ah, kuwaa oo watay gaari ay laheyd hooyadood oo ay si qarsoodi ah ugala soo fakadeen.

War kasoo baxay booliiska Florida ayaa lagu sheegay in ay aad uga argagaxeen markii ay istaajiyeen gaariga oo ay arkeen in uu kaxeenayo wiil toban sanno jir ah, waxa ayna booliiska gaariga ka qaadeen wiilka iyo gabadha iyagoona saldhigga geeyay.

Wiilka iyo gabadha gaariga lasoo baxsaday ayaa lagu qabtay meel boqolaal meyl u jirta halkii ay degnaayeen, waxaana la sheegay in carruurtan ka carroodeen in hooyadood ka qaaday telfoonkii iyo agab kale ay ku ciyaari jireen.

“Labada caruurta ah ay ka xumaadeen hooyadood sababtoo ah waxay ka qarisay taleefanno iyo qalab kale oo ay isticmaalayeen, waxaana loo sababeeyay in aysan si munaasib ah u isticmaalin”ayaa lagu yiri warka booliiska soo saareen.

Hooyada dhashay carruurtan booliiska qabteen iyaga oo gaari wada ayaa saacado u safartay magaalada Alachua, si ay halkaasi uga soo kaxeyso carruurteeda xanaaq dartiis gaarigeeda u watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Yurub katirsan oo Ergay Soomaaliyeed u magacwday arrimaha nabadda Geeska Afrika

Cabdi Cade

Yahuud bilowday in ay ku laabtaan Suuriya iyo Madaxweyne Sharac oo…

Cabdi Cade

Deegaan laga mamnuucay haasaawaha ragga iyo dumarka xiliyada habeenkii !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---