Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Museveni oo arrin khalad ah ku tilmaamay gooni isu taaga Somaliland

Uganda ayaa Sabtidii sheegtay inay dhexdhexaadin doonto dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si loo fududeeyo inay dib u midoobaan ka dib markii ay kala qaybsameen in ka badan saddex iyo toban sano ka hor.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa aqbalay inuu arrinta dhexdhexaadinta galo ka dib booqasho Jimcihii uu ku tagay Kambala ergayga gaarka ah ee Somaliland, Jaamac Muuse Jaamac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Ugandha

“Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu aqbalay inuu noqdo fududeeyaha midaynta Somaliland iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan madaxbannaanida. Inta badan waxay ahayd nabad iyadoo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye.

“Ma taageereyno gooni-isu-taagga, sababtoo ah xeelad ahaan, waa khalad,” ayuu Museveni ku yiri war saxaafadeedka.

Related posts

Daawo Sawirada: Khayre Oo Qatar Uga Qayb Galay Furitaanka Madasha Dooxa

Cabdi Cade

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkaasi hanjabaadna dirtay

Cabdi Cade

Daawo:-Dib u dhiska Wadooyinka oo dib loo bilaabay & Jidka isku Xira Boondhere & Siinaay oo..

admin
Taboola Ads ---