Timaha Wiil yar oo geeriyooday 140-sanno kahor oo lagu wareejiyay dowladda Itoobiya

Timaha amiir da’yar oo u dhashay dalka Itoobiya oo geeriyooday in ka badan 140 sano ka hor, ayuu Ingiriisku ku wareejiyey wakiillo ka socda Itoobiya.

Sannadkii 1868-kii, askartii Ingiriisku waxay kaxaysteen Amiir Alemayehu ka dib markii ay ku soo duuleen qalcaddii aabihiis, Boqor Tewodros II, oo markaa is dilay.

Dhaxal sugaha Boqortooyada ayaa dhintay isagoo 18 jir ah 1879 ka dib nolol aan fiicnayn oo u uku wajahay Ingiriiska.

Waxaa lagu aasay Qasriga Windsor ee u dhow London, balse codsiyadii ugu dambeeyay ee ahaa in meydkiisa dib loogu soo celiyo dalkiisa ayaa la diiday.

Mid ka mid ah ehelada amiirka oo lagu magacaabo Fasil Minas ayaa rajo ka muujiyay in dhiibista timaha amiirka ay u gogol xaarto in meydkiisana dib loogu celiyo dalka Itoobiya.

Xaflad ka dhacday London fiidnimadii Khamiista, ayaa Safiirka Itoobiya u fadhiya UK Teferi Melesse kula wareegay xirmo tima ah, iyo tiro kale oo agab ah oo laga soo dhacay qalcadda Maqdala ee Boqor Tewodros.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto inay ku cadaadiso UK inay soo celiso alaab kale oo laga qabsaday qalcadda.

Amiirka ayaa loo qaaday London isagoo jira toddobo sano, halkaas oo xaaladdiisa agoonnimo ay soo jiidatay damqashada boqorad Victoria.

Waxay ogolaatay inay dhaqaale ku taageerto oo ay hoos geyso ilaalinta Kabtan Tristram Charles Sawyer Speedy oo ahaa ninkii la socday amiirka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -