Madaxweyne Trump oo lagala caray goob uu shir Jaraa’id ku qabanayay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay goob uu shir jaraa’id ku qabanayay oo katirsan Aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka, kadib markii qof hubeesan lagu toogtay .

Trump oo warbaahinta la hadlayay ayaa maqlay rasaasta lagu toogtay qofka hubeesan, waxaana kadib si deg deg ah ugu yimid kuna wargaliyay dhacdada mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Ilaalada aqalka Cad ayaana si deg deg ah ula cararay Madaxweynaha oo joojiyay shirka jaraa’id, waxaana Trump la geeyay meel amaan ah uu ku sugnaa daqiiqado kahor inta uusan mar kale dib ugu soo laaban shirka jaraa’id.

 

Trump ayaa markii ay xabada dhacday laga maqlayay ereyo ay kamid ahaayeen”Oh!” “Maxaa dhacaya”, waxa uuna sheegay markii uu dib ugu soo laabtay shirka jaraa’id in ilaalada qarsoon toogteen qof hubeesan oo laga shakiyay.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa marar badan meelo ku dhaw dhaw waxaa ka dhacay toogasho, lamana oga ujeedka uu lahaa ruuxa hubeesan ee toogteen ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -