Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax khasaare u geystay shacab oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Agooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka baxay degmada Afgooye kuna sii jeeday mid ka mid ah tuulooyinka hoos taga degmadaas.

Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, halka qiyaastii 5 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay iney u badnaayeen dad beeraley ah oo ka soo laabtay adeegyo ay u soo doonteen degmada Afgooye.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay maamulka iyo laamaha amaanka degmada Afgooye oo ku saabsan qaraxan.

 

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo tagay Degmada Aadan Yabaal iyo Deegaano kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hadashay sababaha ay ciidankeeda uga saartay Laascaanod

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Boosaaso oo kacsan iyo barakac ka bilowday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---