Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Warqada Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Karin Johansson (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Milateriga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii ka dhacday Garawe Baaqna diray

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Qorshaha dowladu waa in shan bilood lagu soo afjaro argagaxisada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---