Qaramada Midoobay ayaa ka digtay biyaha wasakhaysan iyo nadaafad la’aanta ka jirta bariga Liibiya ee daadadku ku dhufteen oo ka dhigan in dadka halkaas ku sugan ay halis weyn ugu jiraan cudurro halkaa ka dillaaca.
Waxay sheegtay in kooxo ka socda sagaal hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ay bixinayaan gargaar bani’aadamnimo, oo ay ku jiraan xirmooyinka caafimaadka degdegga ah oo taageeri doona 15,000 oo qof muddo saddex bilood ah.
Ilaa hadda 11,300 oo qof ayaa la og yahay inay dhinteen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, in ka badan 10,000 oo qof ayaa weli la la’yahay.
Dadka ay guryahoodii la tageen daadad ku soo rogmaday magaalada Derna ee bariga Liibiya toddobaad ka hor, ayay la soo deristay xaalad adag oo ah inay sii joogaan oo ay halis u galaan cuduro iyo in kale.
Afhayeenka OCHA Eri Kaneko ayaa sheegay in ay adag tahay in la helo tirada saxda ah ee khasaaraha maadaama ay wali socdaan baadigoobka meydadka iyo kuwa badbaaday, waxa uuna sheegay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ilaa hadda xaqiijisay 13,922.
In ka badan 1,000 qof ayaa horey loogu aasay xabaalo wadareedyo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxaana kooxaha gargaarka ay ka digeen arrintan.
Maamulka Liibiya ayaa xaqiijiyay in 150 qof ay ku sumoobeen biyo wasaqeysan oo ku sugnaa deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.