Allbanaadir.com
NEWS

Olole muddo kordhin loogu sameenayo Madaxweyne Deni oo socda iyo mooshinka…

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe Baarlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda.

Mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya, kaddib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sanno ah oo maamulka madaxweyne Deni loo sameeyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan, inkastoo uu hore u sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda.

Related posts

Daawo Sawirada Banaan baxyadii ruxay Muqdisho iyo Cumar Filish oo shaaciyay nuuca matalaad ee ..

Cabdi Cade

Sheekh Cali Dheere oo shaaca ka qaaday sababtii ay u weerareen magaalada Nairobi

Cabdi Cade

DF oo dib u dhigtay Imtixaanka shahaadiga ee ardada Magalada Baladweyne (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---