Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday deegaanka Ceel-lahelay iyo Dagaal culus oo socda

Dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar culus oo ku bilowday qaraxyo galabta ku qaaday deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka dhawwaan Al Shabaab ka saareen.

Sida aan wararka ku helnay dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada dhinac ayaa halkaasi wali ka socda, waxaana jira khasaaro xooggan oo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamaya Ceel-lahelay.

Waxaa aad u adag in xog badan laga helo deegaanka dagaalka ka socdo oo isgaarsiinta laga jaray, waxaana meelo fog fog laga maqlayaa daryanka hubka culus ee is dhaafsanayaan ciidanka huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab.

Deegaanka Ceel-lahelay ee weerarka lagu qaaday waxaa ku sugan ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidamaa deegaanka, waxaana weerarkan uu yahay kii ugu xumaa ee aagaasi ka dhavay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhawwaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-lahelay ee hoostaga degmada Dhuusomareeb ,waxaana deegaankaasi maalmo kahor gaaray madaxweynaha Galmudug iyo taliyaha NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Maxamed Cusmaan Qalaafow (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Imaaraatka Tartanka Geela iyo Fardaha ayaan ku ogeyn Goormey Siyaasad barteen !!

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somaliy (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---