Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool oo hanjabaad culus loo diray

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Guddoomiyaha gobalka Sool ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Abukar Geelle ayuu ku sheegay in dhawaan ay dagaal ku qaadi doonaan Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobalka Sool.

Cabdiraxmaan Abukar Geelle ayaa shacabka gobolka Sool ka dalbaday  inaysan niyad jabin oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ciidamada Puntland ku qaadi doonaan Ciidamada Somaliland oo uu xusay inuu yahay lama huraan.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa waxaa uu Shaaca ka qaaday in qorshahan uu bilaaban doono Maalmaha soo aadan, islamarkaana ay diyaariyeen ciidamadii dagaalka ku qaadi lahaa Somaliland.

Ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa waxay ku sugan yihiin Degaano ka tirsan gobalka Sool, dad badan ayaana ku dhintay dagaalo horey nu dhexmaray, iyadoo weli labada dhinac ay isu dirayaan fariimo hanjabaad ah oo mid walba uu ku sheegayo inuu weerarayo kan kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -