Taliyaha Ciidanka amniga Garoowe oo hadal muran badan dhaliyey ka sheegay Warbaahinta

Taliyaha ciidanka xasilinta Puntland ee Garowe ahna taliyaha qaybta Nugaal iyo la dagaalanka argagixisada Puntland ayaa hadal dood badan abuuray shalay warbaahinta ka sheegay, kaasoo ahaa inuu u digayo lamaaneyaasha banaanka magaalada shukaansiga u aada.

”Waxaan u digayaa dadka banaanada u baxa ee ragga iyo dumarka ah ,kuwaasoo marka ay banaanada isla aadaan gawaarida ku dhex sameeya anshax xumo  iyagoo marka loo tago ninku dhahayo xaaskayga ayey ahayd, marka aad dhahdo hadii ay xaaskaagi tahay saldhigaan idin geyn way qaylinayaan” ayuu yiri taliyaha.

Arinkaan ayaa in badan oo ka mid ah dhallinyarada baraha bulshada dood ka dhex dhaliyay, waxaana taliyaha loogu baaqay inuu cadeyn u keeno eedeynta uu u jeediyey dhalinyarada banaanada aadda.

Dhallinyarada ayaa arinkaan si adag uga fal celiyay baraha bulshada, iyagoo ku soo qoray ereyo kulul oo ka dhan ah taliyaha oo ay sheegeen in hadal uusan hubsan uu warbaahinta kula degdegay.

Taliye Muxiyadiin oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ayaa dhawaan Madaxweeynaha Puntland u magacaabay taliyaha xasilinta Garowe kadib falal amaan darro ah oo ka dhacay halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -