Haweeney 37 sano jir ah oo dhashay 44 caruur ah(Daawo Sawirada)

Warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysa Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo hal nin u dhashay 44 caruur ah, waxaana hada u nool haweeneydan 38 caruur ah halka ay ka geeriyoodeen 6 caruur ah.

Mariam Nabatanz oo 37-sano jir ah ayaa la guursaday iyada oo aad u yar, waxa ayna Haweeneydan dhashay 44 caruur ah oo u badan mataanayaal ay u dhashay labo labo, sadex iyo afar afar.

Haweeneydan iyada oo 12-sano jir ayaa sanadkii 1993-dii waxaa guursaday nin 40-sano jir ahaa xiligaasi, kadib markii dhibaato xoogan kala soo kulantay haweeney aabaheed qabay oo ay la nooleyd.

Mariam Nabatanz ayaa markii ay dhashay 18-caruur ah waxa ay u tagtay dhaqtar si ay dhalmada isaga joojiso, hasa ahaatee Dhaqtarka ayaa kula taliyay Haweeneydan in aysan qaadan kaniiniga iyo cirbada dhalmada la isaga joojiyo.

Dhaqtarka ayaa haweeneydan si cad ugu sheegay in Ugxaanteeda Bacriminta ee tirada badan ayna sababi karto inay u dhimato hadii ay isticmaasho daawooyinka joojiya dhalmada .

Haweeneydan layaabka leh ayaa hada hardan kula jirta korinta ilmaheeda badan, waxaana isaga cararay ninkeeda ay u dhashay 44-ta caruurta ah kadib markii uu guursaday Xaas cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -