Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heyadda SODMA oo ka digtay duufaan halis ah oo Somalia ku soo wajahan

Shirka todobaadlaha ah ee ay qabato hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa guddoomiyey shirka oo looga hadlay u diyaar garowga xilli roobaadka soo aaddan iyo u diyaar garowga ka hor tagga duufaanta El-Nino oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaybo ka mid ah goballada dalka xilli roobaadka  soo socda.

Guddoomiyha Hay’adda SoDMA ayaa kulanka ku magacaabay guddi lix Xubnood ah oo ka shaqeeyn doona ka hortagga, isku xirka hay’adda iyo ka jawaabidda musiibada ElNino oo la saadaalinayo bilaha soo aaddan ee October iyo November sanadkan.

Kulanka todobadlaha ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Maxkamad saakay Go’aan ka gaartay Dacwadii u dhaxeysay Aadan Barre iyo Faarax Macalin

Cabdi Cade

Mikhail Bogdanov & wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---