Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Hore eeĀ  Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

ā€œInnaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.ā€

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator Ilyaas Gaboose oo beeniyey in lagu xiray Kismaayo

Caydiid Ali

Xubno katirsan Qoyska Ismaaciil Haniyah oo lagu dilay weerar Ciidamada Israel geesteen

Cabdi Cade

Labo qof oo lagu dilay Garowe iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---