Allbanaadir.com
NEWS

Khaatumo oo ka hadashay in Laascaanood soo gaareen Fuáad Shangole iyo Ciidan uu wato

Maamulka Somaliland war kasoo baxay dhawwaan ayaa lagu shaaciyay in magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale oo hoostaga maamulka Khaatumo soo gaareen 600- dagaalyahanno ah uu wato Fuáad Shangole oo katirsan saraakiisha Al Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee Khaatumo SSC ayaa lagu beeniyay warka kasoo baxay maamulka Somaliland ee ku aadanaa in deegaannada maamulkaasi soo galeen xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Khaatumo ayaa warka kasoo baxay Somaliland ku tilmaantay rafasho iyo aflagaado, waxa ayna ka codsadeen maamulka Somaliland in bulshada u cadeeyaan qaabka magaalada Laascaanood kusoo galeen 600-oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Maamulka Khaatumo ayaa cadeeday in si buuxda gacanta ugu hayaan xuduuda deegaannada ay maamulaan, waxa ayna sheegeen in diyaar u yihiin in hayádaha amniga Soomaaliya iyo caalamkaba kala shaqeeyaan kahor-taga kooxaha argagaxisada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan Qaabkii Jawaari iyo Ciidamadii uu watay ku galeen Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Shariif Xasan oo galabta tartanka Doorashada ka tanaasulaya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---