Faahfaahin: Masuul ka tirsan Mamulka degmada Balad xaawo oo la dilay

Gudoomiye xaafadeed ka tirsan Maamulka degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayey xalay koox dabley ah ku dileen gudaha degmadaas, saaka ayaana la aasay

Faarax Sigad oo ahaa guddoomiyaha xaafadda Goolan ee degmada Beledxaawo ayaa la sheegay inay seddex nin oo hubeysan u dheceen gurigiisa ayagoo ku dhex dilay marxuumka reerkiisa dhowr xabadoodna ku dhuftay.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay wiil uu dhalay marxuumka, kaasoo dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Maamulka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo iyo saraakiisha laamaha amaanka ayaan ka hadlin dilka iyo qaraxa ka dhacay degmadaas oo la aaminsan yahay iney masuul ka yihiin kooxda Al-Shabaab

- Advertisement -