Milateriga qabsaday xukunka Gabon oo talaabo qaaday, ka dib cadaadis la saaray

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon Ali Bongo Ondimba, oo xabsi guri ku jiray tan iyo markii xilka laga tuuray todobaadkii hore ayaa xor ah, waxaana uu caafimaad u aadi karaa dibadda, sida ay sheegeen golaha milateriga ee dalkaas ka dib markii ay soo magacaabeen ra’iisul wasaare cusub.

Raymond Ndong Sima, oo ah dhaqaale yahan, ayaa loo magacaabay “Ra’iisul Wasaaraha kala guurka,” sida lagu sheegay bayaan uu TV-ga dowladda ka akhriyay Col. Ulrich Manfoumbi, afhayeenka guddiga kala guurka.

Sima oo 68-jir ah ayaa ra’iisul wasaare u soo noqotay Madaxweynihii xilka laga tuuray sannadihii 2012 ilaa 2014-kii, waxaana la rumeysan yahay inay ku haminaysay inay ka qayb-gasho doorashada. Si kastaba ha ahaatee, ma aysan noqon musharaxa mucaaradka doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday dalkaas.

Col. Manfoumbi ayaa sidoo kale Arbacadii sheegay in madaxweynaha xilka laga tuuray uu “xor u yahay inuu dhaqaaqo marka loo eego xaaladdiisa caafimaad.” “Wuxuu karaa, haddii uu rabo, inuu aado dibadda si uu u sameeyo baaritaankiisa caafimaad,” ayuu yiri, iyadoo talaabadan ay timid ka dib cadaadis ka yimid Midowga Afrika.

Caafimaadka Ondimba isla markiiba ma cadda. Waxa ku dhacay istaroog dabayaaqadii 2018 kaasoo ka reebay shaqadiisa muddo bilo ah. Telefishinka Maxalliga ah ee Gabon24 ayaa baahiyay galinkii dambe ee Arbacada kulan dhexmaray Ondimba iyo Abdou Barry oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Afrikada Dhexe.

“Waxaan helay isaga oo caafimaad qaba,” Barry ayaa ka yiri kulankii uu la yeeshay madaxweynihii xilka laga tuuray.

Ondimba oo 64 sano jir ah ayaa xukunka laga tuuray 30-kii Agoosto, xilli ay dib u soo cusboonaadeen afgambiyadii ka dhacay qeybo ka mid ah Afrika. Wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorasho lagu muransan yahay oo kordhin lahayd qoyskiisa oo 55 sano hayey xukunka. Wuxuu xilka kala wareegay aabihiis Cumar Bongo sanadkii 2009-kii.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha cusub ee Milliteriga dalka Gabon, Jen. Brice Clotaire Oligui Nguema, ayaa toddobaadkan la kulmay mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa deegaanka, isagoo u ballan-qaaday kaabayaal dhaqaale oo wanaagsan iyo isbedel nabadeed oo loo sameeyo muwaadiniinta ku nool waddanka qaniga ku ah saliidda ee Bartamaha Afrika.

Magaalada caasimadda ah ee Libreville, waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe Faustin Archange Touadera, oo loo magacaabay ergeyga Ururka Dhaqaalaha Gobolka ee Bartamaha Afrika, iyo Barry, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Afrikada Dhexe.

“Wadahadalkayagu waxa ay diiradda ku saareen xaaladda hadda uu qarankeena ku sugan yahay iyo sidoo kale rajada wanaagsan ee ku-meel-gaarka ah,” ayuu yiri Gen. Nguema.

Waxaa weli walaac laga muujinayaa la wareegitaanka ciidamada iyo dib u soo celinta dimuquraadiyadeed ee qeybo ka mid ah Afrika oo ay askartu u balan qaadeen isbedel dheer. Hogaamiyaha cusub ee militariga Gabon ayaa sidoo kale balan qaaday in uu talada ku soo celin doono shacabka isagoo abaabulaya doorasho xor ah, daahfuran oo lagu kalsoonaan karo balse ma uusan sheegin xili cayiman.

- Advertisement -