Abiy Ahmed oo ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Qowmiyadaha Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta  khudbaddiisii ugu horreysay ka jeedinayay shirka xisbiga EPRDF ,ayuu kaga hadlay dagaalka ku saleesan qowmiyadaha ee ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay Madaxda maamulada ka jira dalka Itoobiya in ay wax ka qabtaan colaada iyo rabshadaha ku saleesan qowmiyahada ee ka dhaca deegaanada ay maamulaan.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale shacabka Itoobiya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka iyo wada jirka umadeed, waxa uuna ku baaqay in la joojio colaada ku saleesan qowmiyadaha.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa difaacay isbadalka xoogan uu wado iyo soo afjarida colaadii dhinaca xadka ee u dhaxeesay Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, waxa uuna cadeeyay in muhiim tahay in colaadaha lasoo afjaro.

Dalka Itoobiya qeybo kamid ah ayaa waxaa ka dhacay dagaalo iyo rabshado salka ku hayay isku dhacyada qoymiyadaha Itoobiya qaarkood, waxaana colaadahaasi sababeen dhimashada dad badan iyo barakac xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -