Jubbaland oo ka duceysatay kumanaan qoys oo ku nool duleedka Kismaayo (Sawirro)

Jubbaland ayaa gurmad kala duwan gaarsiisay qoysas gaaraya sadex kun iyo todobo boqol (3700 oo qoys ) kuwaa oo sameeyey abaaraha daran ee ka jira deegaanka, waxaa Dowladda ay qoysaskan dajisay deegaanka luglow ee duleedka magaalada Kismaayo.

Qoysaskan oo ay abaartu ka keentay deegaano kale duwan oo ka tirsan Jubaland ayaa waxaa raashinka loo qaybiyey ay isugu jireen bur bariis saliid timir iyo agabyo kale iyadoo Dowladdu ay u wakiilatay qaybinta raashinkan Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabduqaadir Xaji Maxamuud Lugadheere Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed Faraweyne iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiyada Jubaland Cabdi Xuseen.

Dadka loo qaybiyey raashinka oo ay aad oga muuqato diifta, abaartuna ay ka laysay xoolihii ay heysteen waxa ay u mahadceliyeen Dowladda Jubaland oo raashinka  soo gaarsiisay, iyagoo sidoo kale ka codsaday dadka muxsiniinta ah in gurmadyo kale ay lasoo gaaraan.

Dowladda Jubaland ayaa dhowr jeer oo kala duwan qaylo dhaan ka muujisay xaalada abaaraha, xoolo badan ayaa ku baa’ba ay, waxaana ay Dowladda Jubaland ay kala hadashay arimaha abaaraha, Ganacsatada ree Jubaland Hay’ado iyo beesha caalamka kuwaa oo dhamaantood ay ka codsatay in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii loo samata bixin lahaa dadka ay abaartu saameeysay.

- Advertisement -