Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan dhexmaray Ergay Guuleed iyo danjire Heidi Elburgi Johansen

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland  Abdikarim Hussein Guled  ayaa maanta kullan muhiim ah la la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u jooga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heidi Elburgi Johansen iyo sii hayaha Safaaradda Norway ee Somalia Carsten Carlsen.

Kullanka ayaa diirada lagu saaray dardargalinta wada-hadallada DFS & SOMALILAND, iyo safarkii wadatashiga ee aan dhawaan uu Ergayga ku tagay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Ergayga ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta kullanka ka qeybgalay doorka Dowladda Norway ee nabadaynta, xasilinta iyo guud ahaan barnaamijyada dawlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Guuleed ayaa tan iyo intii loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland waxaa uu shaqadiisa ku soo koobay kulamo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka iyo madax Soomaali ah.

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Gantaal lagu riday Magaalada Makka Al Mukarama

Cabdi Cade

Labo kamid ah Wadamada Caalamka oo faragalin ku haya Doorashada Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweyne xilka hayey muddo todobaad ah oo ku dhawaaqay inuu is casilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---