Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo bilaabay inuu gargaar cunto ah hawada kaga daadiyo Gaza (Sawirro)

Mareykanka ayaa bilaabay inuu gargaar bini’aadantinimo hawada kaga soo daadiyo Gaza, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa jimcihii ku dhawaaqay in Maraykanku uu bilaabi gargaarka Gaza looga daadiyo halkaasoo ay ku macluulsan yihiin boqolaal kun oo qof.

Saddex diyaaradood oo nooca C-130 ah ayaa sahay bini’aadantinimo ku daadiyay marinka Gaza Sabtidii, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.

Gargaarku wuxuu ahaa cunto loo daadiyay dadweynaha Gaza. Ma jirin biyo ama sahay caafimaad oo ku jiray

Dhowr hay’adood oo gargaar ayaa horay u dhaleeceeyay qorshaha Mareykanka ee ah in cuntada gargaarka ah lagu daadiyo Gaza oo ay ku tilmaameen mid aan waxtar lahayn.

Richard Gowan, oo ah agaasimaha kooxda xasaradaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay,  ayaa baraha bulshada ku sheegay in talaabadan tahay hab xun oo gargaar ku filan aan lagu gaarsiin karin dadka

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in boqolaal kun ay  qarka u saaran yihiin macaluul ka jirta deegaankaas.

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo amray in la bilaabo Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Amarkii xalay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Somalia oo maanta la jabiyay

Cabdi Cade

Erdogan oo shaaciyey in Boqolaal ka tirsan Xoogaga Xamaas lagu daweynayo Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---