Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Duqa Muqdisho oo labo arrimood uga digay Ciidanka dowlada hoose ee Xamar

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa aqalka Dowlada hoose Xamar kulan kula qaatay saraakiisha taliska ciidanka ilaalinta Degaanka ee Dowlada hoose hoose ee Xamar.

Ujeedka kulankani ayaa aha isla xisaabtan iyo la dagaalanka musuq maasuqa taasoo qeyb ka ah siyaasada duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish iyadoo kulankani ay goob-joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid Mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta degaanka ee dowlada hoose Xamar isagoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo ku takrifal.

“Waxaan maanta aqalka dowlada hoose Xamar kulan kula qaatay saraakiisha taliska ciidanka ilaalinta Degaanka ee D.H.X, Kulanka ayaa inta uu socday waxaan mid mid u xog wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee dowlada hoose Xamar, waxaana uga digay in maamulkayga uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutagrifal” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar ayaa Duqa Muqdisho u xaqiijiyey in ay ka soo dhalaali doonaan waajibaadka laga sugayo, waajibaadkoodana gudan doonaan si horumarka Caasimadda loo xoojiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa Dalka La Gudboon Kol Haddii Ra’iisal wasaare Khayre uu Xilkii Baneeyey!

Cabdi Cade

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Xiliga la qabanayo doorashada Kursigii Xildhibaanimo ee uu waayay Sambaloolshe oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---