Wasiiro ka tirsan Xukuumada Khayre oo gaaray Boosaaso & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey, waxayna Wasiiradan dhamaantood ka soo jeedaan Puntland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad ayaa hogaaminayey wafdigan waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan.

Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga bixin Ujeedada safarka wafdigan ayaa haddana warar hoose oo aanu helnay waxay sheegayaan inay la xiriirto sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kuwaasoo la xiriira xalinta khilaafka madaxda Puntland iyo kuwa dowlada dhexe oo meel adag maraya.

Sidoo kale wafdigan ayay wararka qaar sheegayaan in Puntland ay kala hadli doonaa sidii ay u joojin laheyd taageerada siyaasadeed ee ay siiso Axmed Madoobe maadaama dowlada federaalka Soomaaliya aysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo.

Lama oga sida wafdigan ay ugu guuleysan karaan arrimaha ay u tageen magaalada Boosaaso, maadaama madaxda Puntland ay meel adag iska taageen khilaafka kala dhexeeya dowlada dhexe oo mudooyinkian aad u sii xoogeysanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -